
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland, Mudane Farax Mukhtaar Daauud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday Hay’adda Save the Children.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxaysa Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland iyo Hay’adda Save the Children, gaar ahaan mashaariicda hore u socday iyo kuwa cusub ee la qorsheynayo in si wadajir ah loo hirgeliyo.
Kulanka waxaa Wasiir Ku-xigeenka ku wehliyay qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland.
Ugu dambeyn, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Mudane Farax Mukhtaar Daauud, ayaa uga mahadceliyay Hay’adda Save the Children wada-shaqeynta iyo taageerada ay la garab taagan tahay Dowladda Jubbaland, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dhinac


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







