Wasaaradda Shaqada Jubbaland ooFurtay Tababar lagu Xoojinayo Daahfurnaanta iyo Caddaaladda Xulashada Ka-faa’iideystayaasha SEPOW

0
5
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Jubbaland, iyadoo kaashanaysa Hay’adda GIZ, ayaa magaalada Kismaayo ka furtay tababar iyo wada-tashi muhiim ah oo diiradda lagu saarayo daahfurnaanta, caddaaladda iyo habraaca saxda ah ee loo xulayo ka-faa’iideystayaasha Mashruuca SEPOW.
Munaasabadda furitaanka tababarka ayaa waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Jubbaland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada ee Degmada Kismaayo, Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha, Guddoomiyaha Golaha Dhalinyarada Jubbaland, wakiillo ka socday Hay’adda GIZ, xubno ka tirsan bulshada rayidka ah, barakacayaal iyo marti sharaf kale.
Tababarkan iyo wada-tashigan ayaa muhiim u ah xoojinta hannaanka hufan ee lagu xulayo ka-faa’iideystayaasha Mashruuca SEPOW, iyadoo la adkeynayo mabaadi’da daahfurnaanta, sinnaanta iyo caddaaladda, si loo hubiyo in taageerada mashruucu ay gaarto dadka sida dhabta ah ugu baahan