
Taliska Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Magaalada Baydhabo kusoo bandhigey Aadan Isxaaq Xasan oo Magaciisa Afgarashada uu yahay (Jacfar) oo ka mid ahaa mudo 3-Sano ah Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka.
Jacfar ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa Jabhada, isagoona ka soo howlgalley Gobolada Baay, Bakool iyo Jubbada Dhexe.
Wuxuu sheegey in sababta ku Kaliftey in Al-Shabaab isaga soo baxo ay tahay Dhibaatada ay Habeen iyo Maalin ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay inay kasoo tagaan ragga kale ee weli ka barbar dagaalamaya.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







