Dhuusamareeb Askari dilay qof shacab ah oo gacanta lagu dhigay

866

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ciidamada booliska magaalada ay gacanta ku dhigeen askari xalay qof shacab ah ku dilay magaalada, iyadoo marxuumka la dilay uu watay mooto bajaaj.
Sida wararku sheegayaan marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabayay Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud, waxaana la sheegay inuu ahaa qof dhagool ah.
Falka dilkan ayaa si weyn u saameysay magaalada Dhuusamareeb oo ay isu diyaarineyso doorashada Madaxweynaha iyo tan Guddoonka Baarlamaanka oo lagu wado in dhowaan ka dhacdo magaalada.