Wasiirka amniga Jubbaland oo shir amni la qaatay saraakiisha ciidamada iyo hay’adaha amniga.

0
221
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubbaland oo shir amni la yeeshay saraakiisha hay’adaha amniga iyo ciidamada
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubbaland, Sareeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal, ayaa kulan muhiim ah oo looga hadlay xaaladda amniga, la dagaallanka argagixisada iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga la yeeshay saraakiisha iyo taliyeyaasha laamaha amniga Jubbaland, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Qeybta 43-aad iyo Ururka Danab.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta qorshayaasha lagu xaqiijinayo amniga guud, xoojinta howlaha ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo sidii loo horumarin lahaa gurmadka degdegga ah ee xaaladaha amni.
Sidoo kale, waxaa si gaar ah looga hadlay amniga magaalada Kismaayo, iyadoo la isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la xakameeyo xawaaraha gaadiidka isticmaala waddooyinka gudaha magaalada, si loo ilaaliyo badqabka shacabka, loona yareeyo dhibaatooyinka ka dhasha gaadiidka.
Wasiirka iyo saraakiisha amniga ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo isku-duwidda howlaha amni ee u dhexeeya hay’adaha amniga Jubbaland, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Qeybta 43-aad, Ururka Danab iyo saaxiibbada caalamiga ah, si loo sii xoojiyo dadaallada lagu ciribtirayo khataraha argagixisada loona xaqiijiyo nabadgelyada shacabka.
Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubbaland, Sareeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal, ayaa bogaadiyay taliyeyaasha ciidamada iyo saraakiisha amniga, isagoo ku ammaanay dadaalkooda joogtada ah ee ku aaddan ilaalinta amniga, difaaca shacabka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.