
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Jubaland Mudane Saacid Macalin Cabdullahi ayaa soo xiray tababar ku saabsanaa badqabka iyo amniga garoonka diyaaradaha, kaas oo loo qabtay howl-wadeennada Garoonka Diyaaradaha Dr. Ali Nor ee degmada Luuq, gobolka Gedo.
Tababarka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta aqoonta iyo xirfadaha howl-wadeennada ee la xiriira ilaalinta badqabka garoonka, sugidda amniga duulimaadyada, iyo hirgelinta habraacyada caalamiga ah ee lagu maareeyo garoomada diyaaradaha, si loo xaqiijiyo adeeg hufan oo ammaan ah.
Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa Agaasimaha Guud wuxuu shahaadooyin guddoonsiiyey dhammaan ka qaybgalayaashii si guul leh u dhammaystay tababarka, isagoo ku bogaadiyey dadaalkooda iyo sida ay uga go’an tahay kor u qaadista tayada adeegyada garoonka.
Agaasimaha Guud ayaa maalmahan ku sugnaa degmada Luuq, halkaas oo uu ka waday hawlo la xiriira horumarinta Garoonka Diyaaradaha Dr. Cali Nuur,howlahaasi waxay qayb ka yihiin qorshaha Wasaaradda ee lagu tayeynayo kaabeyaasha gaadiidka iyo duulista hawada ee Jubaland, si loo horumariyo adeegyada duulimaadyada loona fududeeyo isku socodka bulshada iyo ganacsiga.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)






