
Wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Jubbaland, Mudane Maxamed Nuur Cali Cabdinuur (Nuuraani), oo ay wehelinayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Cali Faarax, Agaasimaha Waaxda adeegyada Caafimaadka xoolaha, Injineero,daneeyayaasha Mashruuca Adkeysiga Nidaamka Cuntada Soomaaliya (S-FSRP), iyo guddiga suuqa xoolaha, ayaa kormeer shaqo ku tagay goobta loo asteeyay dhismaha suuqa cusub ee xoolaha ee magaalada Kismaayo.
Suuqan cusub ayaa la qorsheeyay in loo dhiso qaab casri ah oo waafaqsan baahida sii kordheysa ee ganacsiga xoolaha, si uu u noqdo xarun tayo leh oo u adeegta ganacsatada, xoolo-dhaqatada iyo bulshada deegaanka.
Intii uu kormeerku socday, Wasiirka iyo wafdiga la socday waxay dhageysteen talooyinka, aragtiyaha iyo soo-jeedimaha guddiga suuqa xoolaha ee la xiriira qaabka loo hirgelinayo mashruuca iyo goobta loo qorsheeyay. Doodahaasi waxay diiradda saareen sidii loo xaqiijin lahaa suuq casri ah oo daboola baahiyaha ganacsiga xoolaha isla markaana kor u qaada adeegyada la xiriira suuq-geynta xoolaha.
Bulshada deegaanka ayaa si diirran u soo dhoweysay qorshaha dhismaha suuqa cusub, iyagoo muujiyay in muddo dheer loo baahnaa suuq casri ah oo noocan oo kale ah. Waxay sidoo kale tilmaameen in hirgelinta mashruucani ay wax weyn ka tari doonto kobcinta dhaqaalaha, fududeynta ganacsiga xoolaha, iyo horumarinta adeegyada bulshada ee magaalada Kismaayo


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







