
Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Jubbaland ayaa qabatay kulan wadatashi ah oo ku saabsan Suuqa Xoolaha Degmada Kismayo oo uu Mashruuca Adkeysiga Nidaamka Cuntada Soomaaliya (FSRP), taabo galinayo .
Kulanka waxaa ka soo qayb galay daneeyayaasha mashruuca, iskaashatooyinka suuqa xoolaha, injineerro, iyo xubno ka socday bulshada deegaanka. Intii uu kulanku socday waxaa lagu soo bandhigay naqshadda iyo qorshaha dhismaha suuqa cusub ee xoolaha magaalada Kismaayo, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay qiimeynta saamaynta deegaanka iyo bulshada (ES Screening) iyo diyaarinta Qorshaha Maareynta Deegaanka iyo Bulshada (ESMP).
Bulshada ka qayb gashay kulanka ayaa si weyn u soo dhaweeyay mashruuca, iyagoo sheegay in muddo dheer loo baahnaa suuq casri ah oo daboola baahida sii kordheysa ee ganacsiga xoolaha, maadaama suuqa hadda jira uu noqday mid aan ku filnayn baahida magaalada.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Jubbaland, Cabdullaahi Cali Faarax, oo si rasmi ah u furay kulanka, ayaa sheegay in suuqa cusub uu noqon doono mid casri ah oo dabooli doona baahiyaha bulshada iyo ganacsatada xoolaha ee magaalada Kismaayo. Wuxuu sidoo kale xusay in Wasaaraddu ka go’an tahay sidii mashruucan loo hirgelin lahaa waqtigiisa, si bulshada ay uga faa’iideysato adeegyo tayo leh iyo suuq xoolaad oo waafaqsan heerarka casriga ah.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)






