Dowladda Jubbaland oo Bilowday Dhismaha Waddo 5 KM ah oo Muhiim u ah Isu Socodka Gaadiidka iyo Ganacsiga Magaalada Kismaayo

0
125
Dowladda Jubbaland oo Bilowday Dhismaha Waddo 5 KM ah oo Muhiim u ah Isu Socodka Gaadiidka iyo Ganacsiga Magaalada Kismaayo
Dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo, Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland, ganacsatada gaadiidka, shirkado iyo ganacsato reer Jubbaland ah ayaa si iskaashi iyo isku tashi ah u bilaabay dhismaha waddo dhererkeedu yahay 5 kiiloomitir, taas oo ku taalla dhanka galbeed ee Magaalada Kismaayo.
Waddadan ayaa ah marin muhiim u ah isku socodka gaadiidka xamuulka iyo kuwa rakaabka ee u kala goosha galbeedka magaalada, sidoo kalena ku xiran waddada isku xirta Soomaaliya iyo Kenya, taas oo door weyn ka qaadata kobcinta ganacsiga iyo fududeynta isu socodka bulshada.
Muddo dheer ayay waddadani ahayd mid burbursan, taas oo dhibaatooyin badan ku haysay gaadiidka isticmaala. Xilliyada roobka, waddadu waxay isu beddeli jirtay meel ay biyuhu fariistaan, taas oo sababtay in gaadiidku saacado ama maalmo ku xayirmo, isla markaana uu hakad ku yimaado isu socodka dadka iyo badeecadaha.
Dowladda Jubbaland, iyadoo ka jawaabaysa baahida shacabka iyo muhiimadda waddadani u leedahay dhaqaalaha iyo isku socodka, ayaa billowday hirgelinta mashruucan. Marka la soo gabagabeeyo, wuxuu si weyn u fududeyn doonaa isu socodka gaadiidka, dardargelin doonaa ganacsiga, korna u qaadi doonaa adeegyada gaadiidka iyo isku xirnaanta Magaalada Kismaayo.
Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed ayaa sheegay in dhismaha waddadan uu yahay mid ay iska kaashadeen dowladda iyo bulshada, isagoo ugu baaqay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, ganacsatada, shirkadaha, culimada, haweenka iyo dhallinyarada inay door muuqda ka qaataan hirgelinta waddadan iyo waddooyinka kale ee Dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo qorsheynayso inay mustaqbalka hirgeliso.
Guddoomiyuhu wuxuu xusay in iskaashiga dowladda iyo bulshada uu yahay furaha lagu gaari karo horumar waara, isla markaana uu dardargelin karo hirgelinta adeegyada aasaasiga ah ee ay bulshada u baahan tahay.