
Gudoomiyaha Degmada Doolow Mohamed Hussein Abdi Lafeey ayaa guddoomiyey shir muhiim ah oo looga hadlayey xaqiijinta amniga guud ee deegaannada Degmada Doolow.
Gudoomiye Lafeey ayaa Shirka warbixinno faah faahsan uga dhageystay Taliyaha Amniga iyo Saraakiisha hay’adaha ammaanka, kuwaasi oo soo bandhigay qorsheyaasha lagu sugayo amniga deegaanka, dardargelinta dhismaha wadada Beled xaawo iyo Doolow oo 40km ah iyo kor u qaadidda wada shaqeynta hay’adaha kala duwan ee amniga.
Guddoomiyaha ayaa ku adkeeyey Masuuliyiinta iyo Saraakiisha hay’adaha amniga muhiimadda ay leedahay in si mideysan looga shaqeeyo ilaalinta amniga, xoojinta kalsoonida shacabka iyo taageerada ay bulshada u hayaan hay’adaha dowliga ah.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







