
Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Suldaan Maxamed Bashiir Madoobe Yarow.
Qoraal lagu daabacay barta Facebook-ga ee Madaxweynaha ayaa lagu yiri” Waxaan guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaanna Bulshada Jubaland uga tacsiyaynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Suldaan Maxamed Bashiir Madoobe Yarow oo kamid ahaa Odayaasha Dhaqanka Jubaland.
Marxuumku wuxuu door muuqda ka soo qaatay nabadeynta, isku soo dhaweynta bulshada iyo ilaalinta dhaqanka iyo hiddaha suubban ee Soomaaliyeed.
Waxaan Alle SWT uga baryayaa inuu Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo dhammaan Bulshada Jubaland samir iyo iimaan ka siiyo”

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







