Kulan wacyigelin ah oo dhalinyarada looga wacyigelinayay tahriibka ayaa lagu qabtay degmada Afmadow.

0
105
Dagmada Afmadow Waxaa lagu qabtay kulan wacyigelin ah oo ku saabsan ka hortagga socdaalka sharci-darrada ah (tahriibka) ee dhalinyarada Soomaaliyeed, kaas oo lagu xoojinayay fahamka bulshada ee khataraha tahriibka iyo sidii loo heli lahaa xalal waara.
Kulankan waxaa soo qabanqaabisay Ururka Social Women and Resilience Organization (SWRO), iyadoo diiradda lagu saaray wacyigelinta bulshada iyo ka qaybgalka deegaanka si dhalinyarada looga ilaaliyo safarrada halista ah ee aan sharciyeysneyn.
Waxaa kulanka ka qayb galay:
Dhalinyarada deegaanka Ururrada haweenka Culimada
Odayaasha dhaqanka Iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah
Intii uu socday kulanka waxaa laga hadlay sababaha dhalinyarada ku kallifa tahriibka, dhibaatooyinka iyo khataraha ay la kulmaan dadka gala socdaallada sharci-darrada ah, iyo muhiimadda ay leedahay in dhalinyaradu raadsadaan fursado waxbarasho, shaqo iyo horumarineed gudaha dalka.
Sidoo kale waxaa la xusay doorka muhiimka ah ee ay leeyihiin culimada, odayaasha dhaqanka, ururrada haweenka iyo dhalinyarada, kuwaas oo kaalin weyn ka qaadan kara wacyigelinta bulshada iyo hagidda jiilka soo koraya.
Ka qaybgalayaashu waxay isku raaceen in loo baahan yahay iskaashi dhex mara bulshada, hay’adaha iyo masuuliyiinta si loo yareeyo tahriibka, loona abuuro jawi dhalinyaradu ku heli karto rajo iyo mustaqbal wanaagsan.
Kulankan wuxuu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo wacyigelinta warbaahinta iyo ka qaybgalka bulshada si looga hortago socdaalka sharci-darrada ah ee dhalinyarada Soomaaliyeed.