Howlgallada Ka Dhanka ah Khawaarijta ee ka socdo deegaannada Dhasheeg-Waamo ee gobolka Jubbada Hoose.ooGalay Maalinkii 6-aad oo

0
117

Waxaa maalinkii 6-aad galay Howlgalo balaaran oo ka dhan ah khawaarijta kuwaasi oo ay wadaan ciidamada Dowladda Jubbaland iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Howlgaladan ayaa si gaara waxaa ay og socdaan deegeenada howdka ah Dhasheeg-Waamo ee gobalka Jubbada hoose halkaasi ee ay gabaad ka dhiganayeen kooxda khawaarijta ah.

Howlgalladan oo isugu jiray kuwa dhulka iyo duqeymo cirka ah oo ay ka caawinayeen ciidamada saaxiibada caalamka ayaa lagu beegsaday fariisimo iyo goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta.

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ayaa sheegay in jab culus lagu gaarsiiyay kooxda, iyadoo lagu dilay horjoogayaal iyo tiro badan oo ka tirsan maleeshiyaadka.

Ciidamada ayaa howlgalka ku burburiyay goobihii ay kooxdu u adeegsan jirtay abaabulka weerarrada iyo qorsheynta falalka amni-darrada ah.

Duqeymaha cirka oo lala beegsaday goobaha ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka ayaa sidoo kale sababay khasaare weyn oo soo gaaray kooxda.
Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in intii uu socday howlgalka ay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ciidan oo ay lahaayeen maleeshiyaadka.

Hubka la qabtay waxaa ka mid ah qoryaha PKM, AK-47 noocyo kala duwan leh, rasaas iyo agab kale oo ciidan, kuwaas oo la sheegay in kooxda ay u adeegsan jirtay falal amni-darro.
Taliska ciidamada ayaa tilmaamay in howlgalladu ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo in maleeshiyaadka Khawaarijta laga sifeeyo guud ahaan deegaannada Dowladda Jubbaland.

Dowladda Jubbaland ayaa dhankeeda sii xoojisay dadaallada lagu ciribtirayo haraadiga maleeshiyaadka ku harsan deegaannada Jubbaland , iyadoo shacabka ugu baaqday inay ciidamada la shaqeeyaan si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasilloonida.