Wafdi wasiiro ka socda Jubbaland iyo Waxgaradka Badhaadhe oo ka Shiray horumarka, nabadgelyada iyo iskaashiga xeebaha Raaskambooni iyo Kenya

0
215
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Jubbaland oo ay wehliyaan Wasiirrada Wasaaradaha Kalluumeysiga iyo Dhalinyarada & Ciyaaraha, Gudoomiyaha Degmada Badhaadhe iyo gudoonka degaanka Raaskambooni, iyo Taliyeyaasha Ciidamada Dowladda Jubbaland ayaa kulan is-xog wareysi ah la yeeshay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka degmada Badhaadhe.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii looga wada shaqeyn lahaa horumarka deegaannada Raaskambooni iyo Badhaadhe, adkeynta nabadgelyada, iyo xoojinta wada shaqeynta bulshada deegaanka.
Sidoo kale, masuuliyiinta iyo qeybaha bulshada ayaa ka wada hadlay diyaar garowga wafdiyaal dhawaan ka imaan doona deegaannada ku teedsan xuduudda Dowladda Kenya, kuwaas oo qeyb ka noqon doona iskaashiga iyo xiriirka bulshada ku dhaqan xeebaha wada dega.
Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay kor u qaadidda isku socodka, is-dhexgalka bulshada, iyo wada noolaanshaha shacabka ku dhaqan deegaannada xeebaha si loo dardargeliyo horumarka iyo nabadda gobolka.