
Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay dileen madaxii Al-Shabaab u qaabilsanaa Jabhada Gobolada Baay iyo Bakool kadib howlgal ay ka sameeyeen Degaanka Ceel-Cuni oo qiyaastii 65-KM ujira Degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool.
Ninka ay sheegeen ciidanka in ay dileen ayaa lagu magacaabi jiray Maxamuud Nuur Gacal oo magaciisa Afgarashada uu yahay (Sheekh Al-Sima).
Ciidanka ayaa sidoo kale dilay ku dhawaad 10 Maleeshiyaad ah sida uu Sida u sheegay Taliyaha Guutada 9-aad Qeybta 60-aad ciidanka xoogga dalka Col: Cali Xabad.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ee ka bilowday gobolka Bakool.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







