
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Jubaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa kulan sagootin ah u sameeyay Ugaas Cabdi Ugaas Daahir Ugaas Sheekh Xuseen iyo wafdi uu hoggaaminayay, oo muddo ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Senator Xasan Daahir Yarow, Suldaan Dhaqane Cabdinuur, siyaasiyiin, odayaal dhaqameed iyo masuuliyiin kale.
Ugaas Cabdi Ugaas Daahir ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Ku-xigeenka iyo martidii kale qado-sharafta loo sameeyay, isagoo bogaadiyay dadaallada lagu xoojinayo midnimada iyo wadajirka bulshada.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay xoojinta iskaashiga bulshada iyo dadaallada lagu ururinayo dhaqaalaha lagu dhisayo isbitaal laga hirgelinayo deegaanka Deka Suuftu ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







