Gudoomiyaha degmada Doolow oo tababar heer sare ah usoo Xiray Cutubyo ka tirsanaan doona ciidanka Daraawiishta Jubbaland

0
276
Gudoomiyaha Doolow Mohamed Hussein Abdi lafeey ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo katirsan Ciidanka Daraawiishta Jubbaland oo loo diyaariyay hawgallo ka dhan ah Khawaarijta.
Ciidankaan oo ay u soo dhamaatay Tababar heer sare ah oo muddo u socday ayaa soo bandhigay awood iyo karti, iyo u diyaarsanaantooda Hawlgallada lagu sifaynayo Khawaarijta ee ka socda dhamaan degaanada Dowladda Jubbaland.
Gudoomiyaha ayaa u hambalyeeyay Ciidammada maanta tababarka dhammeystay, waxaana uu kula dardaarmay in dalkooda iyo dadkooda ay ugu shaqeeyaan casharradii iyo tababarkii ay qaateen, iyagoo kaalin muhim ah ka qaadanaya sugida amniga, xoreynta deegaannada cadowgu haysto iyo ilaalinta Dowladnimada Jubbaland.
Ugu danbayntii Gudoomiye lafeey ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay hoggaanka ciidanka gaar ahaan Taliyaha amniga iyo Saraakiisha kale oo uu ku ammaanay hoggaan hufan, isku-duubni.