
Ciidamada Booliska magaalada Dhoobley ayaa shalay howlgal ballaaran oo ay halkaasi ka sameeyeen ku soo qabqabtay dad aan soomayn oo isticmaalayay maandooriye.
Howlgallo ay ciidamada ka sameeyeen xaafadaha kala duwan ee magaalada ayaa lagu soo qabtay dhowr qof oo aan soomayn, kuwaas oo isticmaalayay noocyo kala duwan oo maandooriye ah.
Sidoo kale, howlgalka ayaa ahaa mid lagu baacsanayay dadka ka ganacsada maandooriyaha.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono dadka la qabtay, kuwaas oo isticmaalayay maandooriye isla markaana cunayay maalintii iyadoo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
Waxay sheegeen in tallaabadan looga gol leeyahay ka hortagga dhibaatooyinka ay maandooriyeyaashu ku hayaan bulshada, iyo ma soomayaasha xurmeeyn wayay bisha barakeysan ee Ramadaan.
Dadka la qabtay ayaa lagu xiray saldhigga booliska, iyadoo saraakiisha ciidamada booliska ay sheegeen in dhawaan la horgeyn doono maxkamad si loogu qaado tallaabo waafaqsan shareecada Islaamka ee dembiyada ay galeen.
Tallaabada ay qaadeen ciidamada Booliska Degmada Dhoobley ee Dowladda Jubaland ayaa ku soo beegmaysa xilli hore loo uga digay bulshada inay maalmaha Ramadaanka sameeyaan ficillo wax u dhimaya karaamada bisha barakeysan, sida cunista cuntada maalintii iyo isticmaalka maandooriyaha.
Howlgalka ayaa sidoo kale ku soo beegmay xilli lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, xilli ay bulshada Muslimiinta ku mashquulsan yihiin cibaado iyo camal suuban.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







