Wasiirka Deegaanka dowladda Jubbaland oo shir guddoomiyay kulanka billaha ah ee Wasaaradda

0
167

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Jubbaland, Mudane Caydiid Sulaymaan Xaashi, ayaa shir guddoomiyay kulanka billaha ah ee masuuliyiinta iyo howlwadeennada Wasaaradda.

Kulanka oo ay goob-joog ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasimayaasha Waaxyaha iyo shaqaalaha kala duwan, ayaa diiradda lagu saaray shaqooyinka muhiimka ah ee ay Wasaaraddu gacanta ku hayso.

Waxaa si qoto dheer la iskaga wareystay heerka ay marayaan mashaariicda socota, waxyaabihii qabsoomay, howlaha laga gaabiyay, iyo sidii loo dardargelin lahaa qorshayaasha hortabinta leh.

Kulanka oo qaatay waqti dheer ayaa Wasiirku ku adkeeyay shaqaalaha inay si hufan oo daacadnimo leh u gutaan waajibaadka loo igmaday, islamarkaana ay bulshada Soomaaliyeed ugu adeegaan si mas’uuliyad iyo karti ku dheehan tahay.