Ciidamada dowladda Jubbaland oo gurmad biyo dhaamin ah u Fidiyay qoysas abaartu sameeysay oo ku nool Kolbiyow

0
198

Qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee ku sugan deegaanka Kolbiyow ayaa gurmad biyo dhaamin ah u fidiyay qoysas ku barakacay abaaraha ka jira deegaannada gobolka.

Taliyaha amniga, Samriye Rashid Aadan, iyo Taliyaha Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Jubbaland ee Kolbiyow, Ilyaas Soomeey, ayaa iska kaashaday howlahan samafalka ah si loo taageero dadka nugul ee ay saameeyeen xaaladaha abaarta.

Qoysaska barakacayaasha ah ee la dejiyay goobo loo asteeyey ma awoodaan inay helaan biyaha magaalada, taasoo keentay baahi degdeg ah oo dhinaca biyaha ah. Saraakiisha ciidamada ayaa si toos ah u gaarsiiyay biyo dhaamin, iyagoo u sameeyay gurmad degdeg ah si loo yareeyo saameynta abaarta ku haysa qoysaskaas.