Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Jubbaland oo qabatay kulan la-tashi ah oo lagu dejinayo Qaab-dhismeedka Iskaashiga Dowladda iyo Ganacsiga Gaarka loo Leeyaha

0
215
Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Jubbaland (MoPWRH) ayaa qabatay La-tashi ku saabsan Aasaasidda Qaab-dhismeedka Iskaashiga Dowladda iyo Ganacsiga Gaarka loo Leeyahay (PPP).
La-tashigan waxaa ka soo qayb galay qaar kamid ah shirkadaha ganacsiga , hay’adaha muhiimka ah ee Dowladda, iyo maamulka degmada Kismaayo, si loo xoojiyo wada-shaqaynta iyo iskaashiga horumarineed ee dhanka kaabayaasha dhaqaalaha.
Ujeeddooyinka ugu waaweyn ee la-tashiga waxay ahaayeen: In la dejiyo lana isla meel dhigo Qaab-dhismeedka Iskaashiga Dowladda iyo Ganacsiga Gaarka loo Leeyahay (PPP); In la qeexo doorka iyo masuuliyadaha hay’adaha Dowladda iyo kuwa ganacsiga marka iskaashi maalgashi la hirgelinayo iyo sidoo kale in la dhiirrigeliyo maalgashi wadajir ah oo lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.
La-tashigan wuxuu qayb ka yahay qorsheynta magaalooyinka iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee barnaamijka Dowlad-Kaab oo ay hirgelinayso UN-Habitat, kaas oo diiradda saaraya xoojinta nidaamyada magaalooyinka si ay u noqdaan kuwo leh adkaysi waara, isla markaana kobciya dhaqaalaha Jubbaland.