Madaxweynaha dowladda jubbaland oo ka qeybgalay wajiga koobaad ee Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

0
211

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa ka qeybgalay Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta ka furmay Xarunta Madaxtooyada.

Kulankan oo ahaa mid labo-geesood ah, isla markaana muhiim u ah jihaynta mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, ayaa maalinta koobaad lagaga hadlay xaaladda guud ee dalka, arrimaha doorashooyinka, adkeynta midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed, gurmadka abaaraha, iyo la dagaalanka Khawaarijta.

Sidoo kale, madaxdu waxay isla soo qaadeen dardargelinta hannaanka dowlad-dhiska, xoojinta wada-shaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda, iyo sidii loo abuuri lahaa jawi amni iyo mid siyaasadeed oo suurtagelin kara horumar waara.

Waxaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo danaha qaranka, iyadoo la ilaalinayo dastuurka iyo nidaamka federaalka ee dalka.