Guddoomiyaha Degmada Kismaayo oo kormeer ku tagay waro-Biyoodyo laga hirgaliyay deegaanada Suuban-Saalam iyo Fuumo.

0
191
Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, ayaa kormeer ku tagay laba warood oo laga hirgeliyey deegaannada Suuban-Saalam iyo Fuumo.
Guddoomiyaha ayaa u kuurgalay sida ay u socoto shaqada ka socota waraha, isagoo bogaadiyey hay’adda Norwegian Refugee Council (NRC) oo maalgelisay mashruuca, iyo hay’adda Jubba Foundation oo fulinaysa hawsha.
Intii uu kormeerku socday, Duqa Magaalada ayaa sidoo kale la kulmay odayaasha deegaannada oo uu hoggaaminayay ugaaska guud ee ee beelaha halkaasi daga, Ugaas Axmed Siraad, isagoo kala hadlay muhiimadda ay waruhu u leeyihiin bulshada iyo sidii loo dardargelin lahaa dhammeystirka mashruuca.