
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Jubaland, Mudane Maxamed Nuur Cali Cabdullaahi (Nuuraani), oo ay wehlinayaan Wasiirrada Hawlaha Guud iyo Caafimaadka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Cali Faarax, iyo madaxda hay’adda Save the Children, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay Sheybaar Xoolaha, xafiisyo cusub oo ay yeelaneyso Wasaaradda, iyo sidoo kale wareejinta baabuurta gurmadka deg-degga ah (Ambulances).
Mashruucan oo uu maalgelinayo Bankiga Horumarinta Afrika, ayna si wadajir ah u fulinayaan Save the Children iyo Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Jubaland, ayaa la filayaa inuu si weyn uga qeyb qaato horumarinta adeegyada daryeelka xoolaha ee Jubaland.
Dhismaha sheybaarka xoolaha ayaa muhiim u ah baarista iyo ka hortagga cudurrada ku dhaca xoolaha, halka xafiisyada cusub ay xoojin doonaan howlaha maamulka iyo adeeg bixinta Wasaaradda. Sidoo kale, baabuurta gurmadka deg-degga ah ayaa fududeyn doona gaarsiinta adeegyada caafimaadka xoolaha ee deegaannada kala duwan.
Mashruucan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wax soo saarka xoolaha, oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha Jubaland iyo isha ugu weyn ee nolol-maalmeedka bulshada.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







