Wasaaradda haweenka Jubbaland oo qabatey Kullan looga hadlayay xaqiijinta qoodada haweenka ee boqolkiiba 30ka ah.

829

kulankan ay qabatay wasaaradda haweenka iyo xuquuqul Iinsaanka jubbaland ayaa ahaa mid looga hadlayay Xaqiijinta qoondada haweenka ee boqolkiiba 30ka ah .
Waxaa ka qayb galay qaar kamida haweenka ku jira golaha Baarlamaanka jubbaland wasiir ku xigeenka wasaarada Haweenka agaasimaha guud ee wasaaradda haweenka Jubbaland sidookale waxaa kullanka laga qayb galiyay odayaasha dhaqanka iyo haweenka .
Ugu horeyn waxaa kullanka daah furey Agaasimaha Wasaaradda haweenka iyo xuquuqul iinsaanka jubbaland Maxamed Xusseen isaga oo markaa ka hadlay ujeedka kullanka .

“Ujeedka kullanka waa inay gabdhaha ka qayb noqdaan xubin muhiimna laga siiyo kuraasta hadii ay tahay gabdhihii wakiilada noqon lahaa hadii ay tahay ergada ka qayb galkeedii sidookale odayaasha waxaan udirayaa baaq kaasoo ah in ay aad tixgaliyaan gabdhuhu inay siyaasada ka qayb galiyaan ” ayuu yiri agaasimaha wasaarada Haweenka Jubbaland Maxamed Xusseen .

Dhinaca kale xildhibaanad caaisha Cabdi Rahiid oo kamida golaha baarlamaanka Jubbaland ayaa sheegtay in Haweenku yihiin howl kar sidaa darteedna ay mudan yihiin inay wax hogaamiyaan.
“Haweenka soomaaliyeed waa howlkar waa cadaalad waa aamin intaas waan isla qaadanay ayaan umalaynaayaa markay xil hayso iyo markaysan hayn gurigeeda ayay kasoo bilowdaa maamul wanaaga intaas oo sifo qofka leh ee wanaaga ah malahan sabab lagu xaqiro ama sabab la dhihi karo ma noqonaysid hogaan sidaasi darteed ayaan umalaynaayaa inaan ku noqono hogaan”
Ayay tiri xilidhibaanad Caaisha Cabdi Rahiid.

Ugu danbayn qaar kamida dhaqanka ayaa sheegay inay Muqadas tahay in la tix galiyo haweenka sidookalana Doorkooda ka qaadan doonaan xaqiijinta qoondada haweenka ee boqolkiiba 30ka ah.
“Waa muqadas in dumarka markasta la tix galiyo marwalba inay muuqdaan waan ognahay maamul gobaleedka Jubbaland door muuqda ayaynu ka siinay mida aqalka hoose waxaynu jecelnahay inshaa allaah inaynu ka siinno sanoterkana inta hartay waynu riixaynaa anagoo la kaashanayna madaxweynaha ”

Wasaaradda haweenka iyo xuquuqul iinsaanka jubbaland Ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay waday da daalo ku aadan Xaqiijinta qoondada haweenka ee boqolkiiba 30ka ah.