Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Jubbaland oo Xukun Diyo ku Riday Eedeysane Ramadaan Maxamed Xirsi

0
275
Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Jubaland ayaa kadib baaris dheer iyo marxalado kala duwan oo ay soo martay dacwadda eedeysane Ramadaan Maxamed Xirsi, oo 28 jir ah, ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay inuu bixiyo Boqol Halaad oo Geel ah, taas oo ah “Diyo Muqallado” (mag), lana siinayo qoyska Marxuum Dr. Aadan Cabdi Bashiir, oo 55 jir ahaa.
Marxuumka ayaa lagu dilay Degmada Afmadoow taariikhdu markay ahayd 13/10/2023, abaare 2:00 duhurnimo.
Sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Dowladda Jubbaland Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim (Faaqid).
Xukunkan ayaa yimid kadib markii labada reer ay ku wada qanceen in ay qaataan diyada marxuumka dhintay, sidaas darteedna ay Maxkamadda Ciidanku u riday xukunkan.