Madaxweynaha Dowlada Jubbaland oo la Kulmay Senator Ilyaas Badal Gaboose iyo Sheekh Daahir, Kana Wada Hadlay Midnimo iyo Nabadda Jubbaland

0
171
Madaxweynaha Dowladda Jubbaland mudane axmed maxamed islaam ayaa aqalka madaxtooyada kulan kula yeeshay Senator Ilyaas Badal Gaboose iyo Sheekh Daahir Axmed Cabdullaahi.
Kulanka kadib ayaa Qoraal lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa lagu sheegay in kulankaasi uu ahaa mid diiradda lagu saaray danta guud, nabadda iyo midnimada shacabka Jubbaland.
Qoraalka ayaa lagu yiri“Walaaladay Senator Ilyaas Badal Gaboose iyo Sheekh Daahir Axmed Cabdullaahi waxaan isla garannay in danta guud, nabadda iyo midnimada shacabka Jubbaland ay ka sarreeyaan wax kasta oo kale. Waxaan isla qaadannay in si wadajir ah uga shaqeyno danta dadka ree Jubbaland.”
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa qoraalka ku caddeeyay in Dowladda Jubbaland Dowladda Jubaland waxay diyaar u tahay tanaasul aan xad lahayn si loo xaqiijiyo midnimo iyo wadajir buuxa. Waxa naga go’an in dhammaan kala aragti duwanaanta dhinaca siyaasadda lagu xalliyo waddo kasta oo nabadeed, isla markaana ilaalinaysa danta guud, xasilloonida iyo mustaqbalka dadka ree Jubaland ayaa lagu yiri qoraalka madaxweynaha