
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Jubbaland, oo kaashanaysa Maamulka Dowladda Hoose ee Kismaayo, ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qabatay kulan wada-hadal ah oo lagu falanqeeyay fududeynta helitaanka aqoonsiyada (ID-yada), ruqsadaha diiwaangelinta ganacsiga iyo furashada akoonnada bangiyada, si loo taageero dadka aadka u saboolka ah.
Shirkaan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Haweenka, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasaaradda Amniga, Wasaaradda Caddaaladda, Maamulka Degmada Kismaayo, Rugta Ganacsiga iyo qaar kamid ah Bangiyada iyo Nootaayooyinka gaarka loo leeyahay.


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







