Taliyaha Qeybta Booliska Jubbada Hoose oo gaaray degmada Dhoobley

0
215
Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose, Col. Sadiiq Maxamuud Dhogor, ayaa maanta soo gaaray degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, isaga oo ay wehliyeen saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Jubbaland.
Taliyaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Dhoobley saraakiisha amniga iyo maamulka degmada, kuwaas oo muujiyay muhiimadda booqashada uu Taliyuhu ku yimid degmada.
Col. Sadiiq Maxamuud Dhogor ayaa maalmaha soo socda ku sugnaan doona degmada Dhoobley, halkaas oo uu u yimid hawlo shaqo oo la xiriira dardargelinta amniga, kormeerka ciidamada, iyo la-tashiyo uu la yeelanayo saraakiisha kala duwan ee amniga degmada.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo amniga guud ee gobolka Jubbada Hoose iyo sare u qaadidda wada shaqeynta ciidamada ammaanka