Wasiirka Wasaaradda Haweenka Jubbaland oo deeq raashin ah gaarsiisay 100 qoys oo danyar ah oo ku nool deegaanka Jana Cabdalle.

0
224
Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka Dowladda Jubbaland, Marwo Cadar Ismaaciil Juraati, oo ay wehelinayso Guddoomiyaha Haweenka gobolka Jubbada Hoose, ayaa deeq raashin ah gaarsiisay 100 qoys oo danyar ah oo ku nool deegaanka Janaa Cabdalle.
Deeqdan oo ka kooban Bariis, Sonkor iyo Saliid ayaa ahayd mid ku timid dadaalka haweenka gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan haweenka degmada Kismaayo, kuwaas oo muujiyay isku duubni iyo garab istaag walaalahooda dhibaateysan.
Wasiirka Haweenka iyo xubnihii lasocday ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay deegaanka Janaa Cabdalle, waxaana halkaas ku qaabilay Guddoomiyaha deegaanka iyo haweenka deegaanka, kuwaas oo uga mahadceliyay dowladda iyo haweenka Jubaland taageerada iyo u damqashada ay u muujiyeen dadka danyarta ah.