Maamulka dowlada hoose ee degmada Kismaayo oo kormeer iyo calaamadeyn ku sameeyey wadooyinka soo gala suuqa siinaay.

0
94
Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada ahna Xoghayaha Dowladda Hoose,
Mudane Daahir Xuseen Cabdi, iyo injineerrada Degmada, ayaa kormeer iyo calaamadeyn ku sameeyay waddooyinka soo gala Suuqa Siinaay, kuwaas oo loo asteeyay inay noqdaan baarkinno rasmi ah.
Goobahan baakinka ah ayaa loogu talagalay in ay si nidaamsan ugu istaagaan baabuurta keenta qudaarta suuqa, si loo yareeyo ciriiriga gaadiidka, loona fududeeyo isu-socodka gaadiidka iyo ganacsiga ka socda suuqaasi.