Ciidanka Booliska Dowladda Jubbaland oo Sameeyay Howlgallo Amni oo Lagu Xoojinayo Ammaanka Kismaayo.

0
183

Ciidanka Booliska Saldhiga Dhexe ee Degmada Kismaayo ayaa xalay howlgal ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga ka sameeyay qaybo ka mid ah xaafadaha magaalada.

Howlgalkan, oo ay hoggaaminayeen saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Booliska, ayaa lagu sameeyay baaritaanno lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo xasiloonida shacabka, Boolisku waxay diiradda saareen in ay hubiyaan ammaanka dadka deggan xaafadahaas, iyaga oo ka hortagaya wax kasta oo khatar ku ah nabadda bulshada.

Saraakiisha ayaa sheegay in howlgalladani ay qayb ka yihiin qorshaha joogtada ah ee Ciidanka Booliska Jubbaland ay ku xaqiijinayaan amniga gudaha magaalada iyo agagaarkeeda. Sidoo kale, shacabka iyo wadayaasha baabuurta la baaray ayaa si weyn ula shaqeeyay ciidanka, iyagoo ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan dadaallada lagu sugayo nabadda.

Booliska Jubbaland waxay xaqiijiyeen inay sii wadayaan howlgalada noocan oo kale ah, si looga hortago falalka amni-darro iyo dhibaatooyinka kale ee ka dhici kara magaalada.