
Ciidanka Jubaland oo garab ka helaya Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maalmahan waxa ay howlgallo ka wadeen deegaannada galbeedka Kismaayo iyagoo la wareegay deegaanno ay horey uga talin jireen maleeshiyada Al-Shabaab.
Howlgalka oo ka billaawday degaanka Janaay Cabdalle ayaa Ciidamadu kula wsreegewn degaannada, Kooya, Yaaqdabeyl iyo Qudus, halkaas oo muddo badan ay gacanta ku hayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.
Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee howlgallada hoggaaminaya ayaa sheegay inay weli sii socdaan howlgallada, isla markaana qorshahoida uu yahay in dhammaan degaannada iyo degmooyinka Jubbaland laga saaro Al-Shabaab.
Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland ayaa horay ugu dhawaaqay in siwadajir ah degaannada Jubbaland looga bilaabi doono howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







