
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Jubbaland iyo Hay’adda IOM oo fulineysa mashruuca Early Recovery initiative (ERI) ayaa socdaal muhiim ah ku tagay deegaanka Buulo Xaaji ee Waqooyiga Magaalada Kismaayo.
Masuuliyiintan ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada ku nool Deegaanka Buulo-xaaji oo kamid ah deegaanada muhiimka ah ee ay Jubbaland ka xoreysay Kooxaha nabadiidka ah.
Shirkan oo u dhacay qaab shireedkii ay soomalida dhaqanka u lahayd ee geedka hoostiisa lagu garrami jiray ayaa waxaa kasoo qayb galay 40 qof oo rag iyo dumar isugu jira, iyadoo kulanka diiradda lagu saarayay wacyigalin ku aadan dhisidda wacyiga bulshada ee kahortaga fikradaha xag-jirnimada ah iyo sababaha horseeda xagjirnimada.
Bulshadii kasoo qayb gashay kulanka ayaa aragti ku biiriyay shirka iyagoo codsaday in kulamada noocan ah la badiyo si bulshada wacyigooda sare loogu qaado.






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







