DEG DEG: Ciidamada Jubbaland iyo kumaandooska Danab oo Howlgal ku dilay horjooge sare oo ka tirsan khawaarijta

0
269
Ciidamada Jubaland iyo kuwa kumaandooska Danab ayaa cagta mariyey fariisimo ay Argagixisadu ku lahaayeen deegaanno hoos taga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan tuulada lagu magacaabo Turdho, halkaas oo Khawaarijtu ka qodanayeen godad dhulka hoostiisa ah.
Intii uu howlgalka socday waxaa la dilay tiro maleeshiyaad ah, kuwaas oo lagu sheegay in uu ku jiro horjooge sare oo ka tirsan maleeshiyadka khawaarijta.