
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubaland, Mudane Maxamed Xuseen Maxamed, iyo qaar ka mid ah saraakiisha wasaaradda ayaa maanta lagu soo dhaweeyay degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.
Waftiga ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay degmada Dhoobley, waxaana soo dhaweyntooda ka qeyb qaatay Maamulka degmada, odayaasha dhaqanka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka.
Inta ay joogaan degmada Dhoobley, Agaasimaha Guud iyo masuuliyiinta la socda waxay fulin doonaan mashaariic muhiim ah oo bulshada wax tar u leh, iyagoo sidoo kale kulamo wax ku ool ah la qaadan doona masuuliyiinta degmada.


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







