Cali Guudlaawe oo ka hadlay dhibaatada ka dhalatay fatahaada webiga shabelle.

777

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xusseen Guudlaawe ayaa walaac ka muujiyay xaalada magaalada Jowhar iyo deegaanno hoostaga kaddib markii uu ku fatahay wabiga Sabeelle.

Madaxweynaha ayaa sheegay in fatahaadu saameysay ilaa 25 tuulo oo hoostaga degmada Jowhar, kuwaa oo dhamaan dadkii ku noolaa ay dibadda uga baxeen, sidoo kalana waxaa ay baabi’isay ayuu yiri dalagyo farabadan oo sanadkan la filayay in la goosto.

Guudlaawe ayaa intaa ku darray in fatahaad hor leh la sheegay in uu wabigu ka sameynayo qeybo kale oo ka mid ah isla gobolka Shabeellaha dhexe sida Balcad iyo degaano kale isaga oo ku baaqay gurmad deg deg ah.