
Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee Dowladda Jubbaland oo kaashanaysa haa,yadda WfP ayaa ku wareejisay iskaashatooyinka kalluumaysatada Jubbaland doonyo yar-yar oo nooca kalluumaysiga ah, iyo qalabka jillaabashada.
Munaasabadda wareejinta oo ka dhacday magaalada Kismaayo, waxaana ka qeyb galay masuuliyiin ka socotay Dowladda Jubbaland, wakiillo ka socda Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP), iskaashatada kalluumaysiga iyo masuuliyiin kale.
Guddoomiyaha Iskaashatada Kalluumaysatada Jubbaland oo munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in qalabkan iyo doonyahan ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonaan kor u qaadista wax soo saarka kalluumaysiga iyo horumarinta nolol maalmeedka kalluumaysatada Wuxuu uga mahadceliyey Wasaaradda iyo Hay’adda WFP dadaalka ay ku taageerayaan bulshada xeebaha ku nool.
Mas’uul ka socday Hay’adda WFP ayaa sheegay in taageeradan ay qayb ka tahay mashruuc ballaaran oo lagu horumarinayo dhaqaalaha buluuga ah, lana doonayo in kalluumaysatada maxalliga ah lagu xoojiyo qalab casri ah oo shaqadooda fududeeya.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga Jubbaland, Maxamuud Cabdi Axmed ayaa sheegay in wasaaraddu sii wadi doonto dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha iyo xirfadaha kalluumaysatada, halka Wasiir Ku-xigeenka Kalluumaysiga, Maxamed Cumar Bunu uu xusay in tallaabadani ay ka mid tahay qorshaha joogtada ah ee lagu kobcinayo dhaqaalaha buluuga ah iyo ilaalinta khayraadka badda.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







