
Wasaaradda Cadaalaada Iyo Arimha dasturka Dawladda Jubbaland ayaa Magaalada kismayo ku qabatay tababar ku saabsan Curinta wadaxaajoodka bulshada iyo bahda Cadaalada.
Tababarkan oo qayb ka ah barnaamij ay Wasaaraddu waday muddo laba sano ah ayaa diiradda lagu saaray sidii bulshada loogu fahan siin lahaa muhiimadda ay cadaaladdu u leedahay nolosha aadanaha iyo horumarka bulshada.
Munaasabadda furitaanka tababarka ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland, Mudane Cabdiweli Xuseen Jaamac, oo sheegay in ujeedada ugu weyn ee barnaamijkan tahay in la abuuro jawi wada hadal saliim ah oo bulshada dhexdeeda ka hanaqaada, gaar ahaan wada hadalka aan xanafta lahayn si adeegyada cadaaladda loo gaarsiiyo dhamaan bulshada .
“Barnaamijkan wuxuu xoojinayaa isdhexgalka bulshada iyo fahamka laga qabo nidaamka cadaaladda. Waxa aan rabnaa in dadka Jubbaland ay helaan adeeg cadaaladeed oo siman, la heli karo, kuna dhisan wadahadal iyo isqancin, halkii laga isticmaali lahaa xanaaq iyo ismaandhaaf,” ayuu yiri Wasiir Cabdiweli.
Tababarka ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin dhalinyarada, haweenka, culimada, odayaasha dhaqanka, iyo shaqaalaha garsoorka.
Wasaaradda ayaa sheegtay in barnaamijkan uu noqon doono mid si joogto ah uga dhaca gobollada kala duwan ee Jubbaland, iyadoo la qorsheynayo in bulshada si ballaaran loogu wacyigeliyo muhiimadda cadaaladda, si loo helo bulsho xasilloon oo ku wada noolaata nidaam iyo kalsooni.


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







