Xildhibaan Farah Macalim Bishaar oo deeq xoolo ah Ku Wareejiyay Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee Ceelwaaq..

0
258
Xildhibaan Farah Moalim Bishar oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isla markaana howlo shaqo u yimid degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, ayaa ciidanka guutada 3-aad ee Daraawiishta Dowladda Jubbaland ku wareejiyay laba neef oo geel ah, kuwaas oo uu ugu talagalay inuu ku dhiirrigeliyo qeybaha kala duwan ee ciidanka.
Goobta wareejinta waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowladda Jubbaland, maamulka gobolka Gedo, maamulka degmada Ceelwaaq, iyo saraakiisha ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee degmada Ceelwaaq.
Xildhibaanka ayaa degmada Ceelwaaq u yimid howlaha diiwaangelinta dhammaan ciidamada ku sugan Ceelwaaq, kuwaas oo loo sameynayo mushaar kordhin iyo dib-u-habeyn ballaaran.
Ugu dambeyn, Xildhibaan Farah Moalim Bishar iyo mas’uuliyiinta kale ee ku wehliya howlaha dib-u-habaynta ciidanka Ceelwaaq ayaa inta uu ku sugan yahay degmada waxaa uu kulmo kala duwan la qaadan doona qeybaha kala duwan ee Bulshada.