
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Jubbaland ayaa maanta u fadhiisatay dhageysiga gabo-gabada dacwadda eedeysane Bile Xuseen Aadan, oo loo haysto falal la xiriira xog uruurin, basaasin iyo gacan-siinta kooxaha Khawaarijta ah.
Fadhiga maxkamadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda iyo labadiisa ku-xigeen, Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland, qareenka u doodayay eedeysanaha, baarayaal ka tirsan laamaha amniga, iyo xubno ka mid ah Ehelada eedeysanaha.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Jubbaland, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxmuud Ibraahim, ayaa furay fadhiga isagoo ugu horeyn faahfaahiyay kiiska ay maxkamaddu u fadhiisatay maanta.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Jubbaland, Gaashaanle Dhexe Ismaaciil Cabdi Cali, ayaa maxkamadda horteda ka akhriyay qodobbada eedeynta ee xafiiska xeer ilaalinta kusoo oogay Bile Xuseen Aadan. Waxaa uu sheegay in eedeysanaha lagu haysto in uu xog muhiim ah oo ciidan u gudbiyay kooxaha argagixisada, taasoo khatar ku ah amniga iyo ciidamada.
Guddoomiyaha maxkamadda ayaa dhankiisa su’aalo weydiiyay eedeysanaha Bile Xuseen Aadan, isagoo ka dalbaday in uu maxkamadda kaga jawaabo eedaha culus ee loo haysto.
Kadib dhageysi dheer iyo garnaqsi , Guddoomiyaha Maxkamadda, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxmuud Ibraahim, ayaa ku dhawaaqay xukunka kambeeysta ah ee eedeysanaha iyadoo gudoomiyuhu sheegay in Maxkamaddu Bile Xuseen Aadan ku heshay dambiga lagu soo oogay, waxayna ku xukuntay 10 sano oo cabsi ciidan ah.






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)






