Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada oo Kormeeray halka uu marayo Dhismaha Waddooyinka

0
274
Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cumar Cabdullahi Maxamed, ayaa  kormeer shaqo ku tegay qaar ka mid ah waddooyinka waaweyn ee magaalada, kuwaas oo qaar horey laami loogu dhigay halka kuwa kalena haatan shaqadoodu si habsami leh u socoto.
Kormeerkan ayaa ujeedkiisu ahaa qiimeynta heerka uu marayo Mashruuca Nagaad ee dhismaha waddooyinka, kaas oo wax weyn ka beddelay bilicda iyo isku xirka xaafadaha magaalada. Guddoomiyaha ayaa sheegay in wajiga labaad ee mashruuca uu marayo heer gabogabo ah, ayna qorsheynayaan in dhawaan la bilaabo wajiga saddexaad si ballaarin dheeri ah loogu sameeyo waddooyinka gudaha Kismaayo.
Intaa waxaa dheer, Guddoomiyaha ayaa xusay waddooyin dhowr ah oo lagu dhisay isxilqaan ay shacabka iyo maamulka degmada ka shaqeeyeen si wadajir ah. Wuxuu bogaadiyay doorka muwaadiniinta ee ku aaddan horumarinta degmada, isagoo xusay in maamulka Degmada Kismaayo uu hormuud u yahay dadaalladaas bulshada ku saleysan.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in ay xooga saareen hagaajinta iyo nadiifinta biyo mareenada magaalada, taas oo qayb ka ah qorshe ballaaran oo lagu tayeynayo nadaafadda deegaanka, loogana hortagayo fatahaadaha iyo daadadka.
Ugu dambeyn, Duqa magaalada Kismaayo, Mudane Cumar Cabdullahi Maxamed, ayaa caddeeyay in maamulka degmada ay ka go’an tahay sidii loo heli lahaa magaalo cagaaran, oo leh bilic leh, dhiraysan, una diyaar ah in ay martigeliso horumar joogto ah oo waara. Wuxuu sheegay in ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo beerista dhirta iyo ilaalinta deegaanka si Kismaayo ugu guulaysato yoolalka horumarineed ee deegaanka.