Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo Furtay Shirka hirka saddex biloodlaha ah ee dib-u-eegista, qiimeynta, iyo isu-duwidda howlaha caafimaadka ee deegaanada Jubaland

0
198
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Jubaland, Mudane Abshir Maxamed Cabdi, ayaa  si rasmi ah u furay shirka saddex biloodlaha ah ee dib-u-eegista, qiimeynta, iyo isu-duwidda howlaha caafimaadka ee deegaanada Jubaland, gaar ahaan Rubuca 2-aad ee sannadka 2025.
Shirkan muhiimka ah oo socon doona muddo laba maalmood ah, ayaa lagu falanqeyn doonaa horumarka laga sameeyay adeegyada caafimaadka, heerka hirgelinta qorshayaashii hore loo dejiyay, caqabadaha wali taagan, iyo baahiyaha degdegga ah ee u baahan in xal waara loo helo, si loo sii dardargeliyo tayeynta adeegyada caafimaadka ee shacabka Jubbaland.
Kulanka ayaa waxaa ka soo qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Jubaland, Mudane Maxamed Xuseen Maxamed, agaasime waaxeedyada wasaaradda, saraakiil kala duwan oo ka tirsan heerarka maamulka caafimaadka, iyo wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee bahwadaagta la ah Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubbaland Maxamed Xuseen Maxamed, ayaa sharaxay muhiimadda uu leeyahay shirkan, isagoo hoosta ka xariiqay in xogaha iyo natiijooyinka la ururiyo ay saldhig u noqon doonaan qorsheyaasha cusub ee la hiigsanayo rubucyada soo socda. Wuxuu sidoo kale bogaadiyay dadaalka joogtada ah ee ay wadaan shaqaalaha caafimaadka ee heerarka kala duwan, iyo taageerada ay hay’aduhu siiyaan Jubbaland.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubbaland Mudane Abshir Maxamed Cabdi oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa sheegay in kulamadan saddex biloodlaha ah ay yihiin fursad muhiim ah oo lagu qiimeeyo heerka shaqo ee la qabtay, loogana tashado sidii adeegyada caafimaadka loo gaarsiin lahaa heerar sare. Wuxuu intaa ku daray in Wasaaraddu ay ka go’an tahay inay la jaanqaaddo baahiyaha bulshada iyadoo xoojinaysa wada-shaqeynta hay’adaha iyo daneeyeyaasha kale ee ku lugta leh arrimaha caafimaadka.
Shirkan ayaa ka mid ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo maamulka iyo tayeynta adeegyada caafimaadka ee Jubaland, waxaana la filayaa in gabagabadiisa laga soo saaro talooyin wax-ku-ool ah oo lagu hormarin karo qorsheyaasha sanadkaan intiisa harsan.