
Fariin Wacyigelin ah oo ka socota Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Jubbaland
Waalidiinta sharafta leh,
Waxbarashadu waa xuquuq uu leeyahay ilmo kasta. Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Jubbaland waxay ku boorrinaysaa dhammaan waalidiinta inay door muuqda ka qaataan diiwaangelinta, ku haynta iyo dhammeystirka waxbarashada carruurtooda, gaar ahaan carruurta baahiyaha gaarka ah qaba, gabdhaha, iyo kuwa ka soo jeeda qoysaska danyarta ah.
Carruurtan ayaa inta badan u nugul inay ka haraan waxbarashada sababo la xiriira duruufo kala duwan.
Sidaa darteed, waxaa muhiim ah in waalidiintu dhiirrigeliyaan waxbarashadooda, isla markaana ay la shaqeeyaan dugsiyada si loo hubiyo inay helaan fursad waxbarasho oo siman
Sidoo kale, guddiyada waxbarashada bulshada waxaa looga baahan yahay inay qaataan kaalintooda muhiimka ah, si dhowna ula socdaan xaaladda waxbarasho ee carruurta nugul.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)






