Wasiirka Kalluumeysiga dowladda Jubbaland oo Daahfuray Doon Casri ah oo Kismaayo lagu farsameyay

0
329
Shirkadda Sommarine, oo ah shirkad ka shaqeysa dhismaha doomaha noocyadooda kala duwan sida doomaha kalluumeysiga, xamuulka, iyo dalxiiska, ayaa maanta si rasmi ah u soo bandhigtay Doon Dalxiis oo ay shirkaddu ku farsameysay gudaha magaalada Kismaayo. Tani ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo dalxiiska badda ee Jubbaland.
Munaasabadda soo bandhigidda Doonta Dalxiiska ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiirro ka tirsan Dowladda Jubbaland, xildhibaanno, maamulka degmada Kismaayo, madaxda iyo howl-wadeenada shirkadda Sommarine, ganacsato, iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay xafladda.
Ugu horreyn waxaa madasha ka hadlay aas-aasaha shirkadda Sommarine, Qeys Cabdiraxmaan, oo faahfaahin ka bixiyay marxaladihii kala duwanaa ee ay shirkaddu soo martay, horumarka la gaaray, iyo qorshayaasha mustaqbalka ee ay damacsan yihiin. Wuxuu si gaar ah diiradda u saaray muhiimadda ay leedahay horumarinta tiknoolajiyadda badda iyo kobcinta dalxiiska gudaha.
Sidoo kale, qaar ka mid ah wasiirrada ka soo qeyb galay munaasabadda ayaa si weyn u bogaadiyay guulaha ay gaartay shirkadda Sommarine, iyagoo xusay in ay tahay tusaale lagu daydo oo dhiirrigelin u ah ganacsatada Soomaaliyeed. Waxay carabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in la maalgeliyo warshadaha badda si loo abuuro shaqooyin cusub, loona kobciyo dhaqaalaha dalka.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Xasan Cumar, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray doonida cusub ee dalxiiska. Wuxuuna bogaadiyay dadaalka uu aas-aasaha shirkaddu ku bixiyay horumarinta howlaha ganacsi ee la xiriira badda. Wasiirku wuxuu sidoo kale xusay in wasaaraddu ay garab taagan tahay ganacsatada noocaas ah, isagoo ballanqaaday in la sii xoojin doono wada shaqeynta ka dhaxeysa dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay. leeyahay.