Muxuu daaranaa Shirka laga yeeshay Amniga Gobolka Gedo

415
Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Dowladda Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlayey xaaladda amniga guud ee Gobolka Gedo oo ka dhacay degmada Luuq.
Shirkan waxaa ka qayb galay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka JFS, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Jubbaland, Maamulka gobolka Gedo, kan degmada Luuq, Saraakiisha Laamaha amniga ee degmada Luuq iyo kuwa howlgalka ATMIS.
Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta nabadgelyada degmooyinka Gobolka Gedo iyo dardargelinta dagaalka lagula jiro Khawaarijta ee ka socda deegaanada Jubbaland.