Xildhibaano ka tirsan Labada Gole Ee Baarlamaanka Federaalka Oo Kismaayo u yimid Ka Qaybgalka aaska Madaxweyne Ku-Xigeenkii Labaad Ee Jubbaland

58

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Jubbaland, iyaga oo u socda ka qaybgalka aaska Madaxweyne ku-xigeenkii labaad ee Dowladda Jubbaland, Marxuum Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xildhibaanada soo gaaray Kismaayo ayaa ka mid ah masuuliyiinta heer qaran ee u yimid ka qeyb galka aaska Marxuumka.

Xildhibaanada ayaa sheegay in ujeeddadoodu tahay in ay Dowladda Jubbaland, shacabka reer Jubbaland iyo qoyska uu ka baxay Marxuumku kala qaybgalaan murugada iyo xanuunka geerida.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, shacabka Jubbaland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, iyaga oo Alle uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo Marxuumka, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan ehelkii uu ka baxay.