
Madaxweyne ku-xigeenka Koowaad ee Dowladda Jubbaland, oo ay wehliyaan masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, qaar ka mid ah Wasiirrada Dowladda Jubbaland, iyo masuuliyiin kale, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kasoo sagootiyay meydka Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, oo ahaa Madaxweyne ku-xigeenkii labaad ee Dowladda Jubbaland.
Marxuumka ayaa maanta lagu aasi doonaa magaalada Kismaayo, oo ah xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Jubbaland, halkaas oo ay ka socdaan qabanqaabada aaska iyo tacsida heer qaran ah oo ay qabanayso Dowladda Jubbaland.
Masuuliyiinta sagootinta ka qeyb galay ayaa ka tacsiyeeyey iyagoo Marxuumka ku sifeeyay hoggaan daacad ah oo door muuqda ku lahaa dowlad-dhiska Jubbaland.
Dowladda Jubbaland ayaa horey u shaacisay in Marxuumka loo sameyn doono aas qaran, iyada Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam uu xalay magacaabay guddiga qaban qaabada aaska.




