Ciidamada Dowladda Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka oo jab Xooggan ku Gaarsiiyay Khawaarijta gobolka Jubbada Hoose

52
Ciidamada Booliska dowladda Jubbaland oo kaashanaya Kumaandooska Danab iyo ururka 56-aad ee guutada 11-aad ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaannada Malaaleey, Araare, Koban, JanaaleJay iyo Reeynero ee jiinka wabiga Jubba, ee gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalka oo lagu beegsaday fariisimaha Khawaarijta ayaa sababay jab culus, iyadoo la burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen, laguna dilay dagaalyahanno badan.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida gobolka, iyadoo saraakiishu balanqaadeen in hawlgalladu sii socon doonaan ilaa kooxdaasi laga sifeeyo Jubbaland.