Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo Nairobi kulan wadatashi ah kula yeeshay qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.

52

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, oo howlo shaqo u jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Kulamadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu samatabixinayo xaaladaha cakiran ee uu dalku wajahayo, iyadoo diiradda la saaray sidii looga wada shaqeyn lahaa sixidda jihada khaldan ee ay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh dalka u waddo.